OlongoAfrica Multilingual Anthology
Illustration for Bisado
Illustrations by Gemini

Bisado

by Kawira Koome

(First published as 3 Reasons Why I’ll Be a Cat in My Next Life by Kawira Koome in Brittlepaper (2023))
Translated to Somali by Abdihakin Ubahle.

Listen to the Narration

Narrated in Somali by Farah Mohamed.


Sababo saddex ah dartoodba waa aan u bisadoobayaa muddooyinka soo socda. Hadda waa bisaddii aad taqaannay, maaha libaax, shabeel iyo duurjoogta kale ee waaweyn midkoodna!

Sababahan saddexda ah dartood baa aan isku dhalanrogayaa.

Bisadda biri ma goyso biyana ma maydhaan

Waxa aan ku noolahay waddanka aan u bixiyey waddankii carrada casaa, duleedka Neyroobi. Waa waddan carrasan oo quruxdiisa leh, laakiin haddii uu roobba da’o u soo hawoon maysid in uu habeen kuugu galo si aan dhiiqadu kuugu dhammuuqmin. Deriskayga ayaa dhawaan soo rabbaystay laba ey oo dhalo ah, mid cad iyo mid cawlan oo ka soo jeeda faca eyda nooca dhogorta leh. Waxa ay soo kaxaysteen intii aanay roobabku curannin. Hadda labadii ey waxa ay noqdeen laba fud oo dhoobo ah, ciidda ayaa ay u ekaadeen.

Sidaa cagsigeeda waxa jirta bisad dibad joog ah oo marar lagu arko docaha ooshayada. Midabkeedu waxa uu ahaa dameeri marka laga reebo bogga, dabada iyo raafaha oo ay u caddayd, welina sidoodii u caddahay. Si kasta oo ay dhoobada iyo dhiiqada u dhex galgalato waatii aan is dhalanrogin. Waa sidii aan jeclaan lahaa. Weligaaba maydhasho umaad baahateen. Sannadka oo dhan hal kolxidhasho ayaa aad ku joogi lahayd dhib yaraan. Waa sidii innoo roonaan lahayd.

2. Bisaddu ma walaacdo mana waleecaaddo

Miyaa aad aragtay adigu weli bisad warwaraysa? Waa aan ku dhaaran karayaa in aanad arag. Maxaa ka walaacinaya? Dadyahow idinkaa bilaash igu siiya waxa aan cuno iyo meesha aan galo anna waxa aan idiinku beddelaa jaceyl iyo raalli ahaansho. Aniga miyaa? Marka uu tash igu furmo waxa aan isla dhacaa quraarado cabbitaan ah oo aan qalalamtooda ka helo ama waxa aan isku shuqliyaa shaqo haba noqoto waraaqda suuliga oo aan furfuro ka dibna eyga ku masabido in uu furfuray e.

Badheedhahaygu maaha in aan noqdo bisad coon ah. Waxa aan rabaa in aan wax ku dhiso aqoonta aan u lee yahay bisadda. In aan nafta kula shawro iska warqabkeeda.

3. Bisad dhafarsan lama arag

Haddii aad sidayda oo kale habeenkii labalegdooto, hurdada bisaddu waa ay ku hinaase gelinaysaa. Iskala bixisayaa, is curduduubtayaa, cagaha fidsatayaa, kursi isku cidhiidhidayaa, miis dul yaxoobsatayaa, dhulka is biliqdayaa, meeshii ay heshaba waa tii hurdo lac tidhaahda ee saacado hawada ka maqnaata. Hurdo aanan weligay xasuusan xilli aan helay. Hurdo haddii aan toddobaadka oo dhan helo habeen qudha cirka aan carrabka la gaadhi lahaa. Waheey wah! Haddii aanu walbahaarka adduunka iyo waayaha noloshu i qarwinayn sardho marka aan galaba.

Maxaa aan u hilloobi lahaa in aan helo hurdo wanaagsan hal nololeedkayga keliya iskaba daa sagaalka nololeed ee bisaddu hurdada ku raaxaysato e. Habdhaqankaa bisaddu waa sida keli ah ee aan malaha kaga bixi lahaa meerto hurdeedkayga hawsha badan.

Si ay ku dhacdaba anigu waa aan bisadoobayaa, waxa aan noqonayaa curri e adiguna u adeegso habdhaqanka bisadda sidii kula habboonaata.

← Back to Anthology